Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay natiijada Imtixaankii Dowladda ee Dugsiyada Sare ee Dalka.
Munaasabad lagu shaacinayey natiijada oo ay ka qeyb galeen Wasiirka iyo madaxda Wasaaradda ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana lagu shaaciyey oo goobta laga akhriyey Magacyada 100-kii arday ee ugu dhibcaha badnaa imtixaanka Dowladda oo ka dhacay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Natiijada imtixanka ayaa la sheegay in lagala socon karo website-yada warbaahinta dowladda iyo kan Wasaaradda Waxbarashada oo hadda u muuqda inay cilad heysato.
Tirada guud ee imtixaanka gashay waa: 33, 727, waxaa baasay rday dhan: 25,177, waxaana imtixaanka waxaa dhacay arday gaareysa: 8550 (wiilal: 5231, gabdho: 3319)
LA SOCO FAAHFAAHINTA..
