Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay markii ugu horeysay in arday ka socota Puntalnd ay galeen imtixaanka Shahaadiga ah ee Dowladda qeybta Gugsiyada Sare ee shalay lasoo xiray.
Warbixin ay soo saartay Wasaaradda ayaa lagu sheegay inay imtixaankii Shahaadiga ee dowladda ay u fariisteen in ka badan 35,000 Arday oo ay ku jireen 500 oo Arday oo ka socotay degaanada dowlad Goboleedka Puntland, imtixaankuna uu ku soo dhammaaday guul.
Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre ayaa hore u sheegay inuusan jirin heshiis laga gaaray imtixaanka dowladda ee ay isku mari waayeen Puntland, isla markaana aanay dowladdu shahaado siin doonin cid aan gelin imtixaankeeda, balse Wasaaraddu ma sheegin halka ay imtixaanka dowladda ku galeen ardayda Puntland.
Wararka ayaa sheegaya in ardayga Puntland ee dhigata dugsiyada sare ee magaalada Gaalkacyo dhinaceeda Waqooyi ay u tallaabeen dhinacaa Koonfurta oo ay ka qeyb galeen imtixaankii dowladda Federaalka.
