War kasoo baxay wasaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la joojiyey qaadashada casharradii Waxbarashada Dugsiyada Sare ee dalka sanad-dugsiyeedka 2019/2020 oo ay ka harsaneyd afar isbuuc.
War-saxaafadeedka wasaaradda ayaa lagu sheegay go’aan ah in Ardayd Dugsiyada sare lagu qiimeyn doono heerkii ay ka joogeen waxbarashada markii la xiray Dugsiyada 19-ka Maarso 2020, isla markaana la la qaadi doono imtixaankii Shahaadiga Dugsiyada sare, iyadoo dib laga soo sheegi doono qaabka loo qaadayo iyo xilliga la qaadayo.
AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA
Iyadoo la tixgelinayo xaaladda caafimaad ee dalka iyo dunidaba ka taagan ee la xiriira cudur saf-marka ah ee Covid_19, lana qiimeynaayo xaaladda waxbarasho ee dalka iyo daruufaha ardayda kala duwan ay ku helaan adeegyada waxbarasho, isla markaana lala tashanaayo bahda waxbarashada oo ay ku jiraan Dalladaha, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulayaasha dugsiyada ayaa;
1) Wasaaraddu waxay si rasmi ah ugu dhawaaqeysaa in la joojiyay qaadashada casharadii waxbarashada dugsiyada ee sannad dugsiyeedka 2019/2020 oo ay hadda ka harsan tahay muddo ka yar afar isbuuc;
2) Ardayda sannad dugsiyeedka dhamaaday waxaa lagu qiimeyn doonaa heerkii ay daruusta ka marayeen xilligii lagu dhawaaqay xeritaanka dugsiyada oo ku beegneyd 19ka bisha Maarso, 2020;
3) Wasaaradda waxay la socod siineysaa ardayda, waalidiinta iyo macallimiinta Soomaaliyeed in la qaadayo imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga Sare ee sannad dugsiyeedka 2019/2020.
Waqtiga la qaadi doono, sida loo qaadayo iyo xogta la xiriirta diyaar garowga imtixaankaba dib ayaan ula soo wadaagi doonnaa bulshada.
