Wednesday, December 6, 2023

Wasaaradda Waxbarashada oo bilowday Qorashada 3000 macallin (Shuruudaha laga rabo)

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federalka Soomaaliyeed maanta daah-furtay Shaqaaleysiinta 3000 macallin oo ay qaadaneyso, kuwaasoo ka hawlgeli doona Dowlad Caasimadda iyo Maamul Goboleedyada Dalka.

Xaflad ka dhacday Muqdisho ayey Wasaaradu ku daah furtay qaadashada shaqaalaha macalimiinta ah oo cusub, kuwaas oo muddo 7aad ah loo furay inay codsiyadooda gudbiyaan, iyadoo ballanqaaday in shaqaalaysiinta macallimiinta loo mari doono hannaan daahfuran, kana fog eex iyo qof jeclaysi.

Wasaaradda ayaa laba qeybood oo kala ah Macalimiin iyo Tababarrayaal u kala qeybisay shaqaalaha, iyadoo tababarrayasha uu waqtigooda kooban yahay.

Ad

1(Macalimiinta) Shuruudaha looga baahan yahay codsadaha/musharaxa shaqada waa sidatan soo socoto:

B. Shuruudo Guud:

  1. Inuu heysto shahaaddada darajada koowaad ee heer jaamacadeed oo ay wasaaraddu aqoonsan tahay.
  2. Inuu ka gudbo imtixaanka qaadashada macallimiinta oo ah qoraal iyo af .
  3. Inuu jir ahaan iyo maskax ahaanba caafimaad qabo.
  4. Inuusan lahayn balwad caafimaadkiisa, shaqadiisa, go’aan qaadashadiisa ama sumcadiisa bulshada dhexdeeda wax u dhimi karta.
  5. Inuu leeyahay akhlaaq fiican iyo dulqaad, ka fayow yahay cudurada la is qaadsiiyo, aanu lahayna iin wax u dhimi karta gudashada xilkiisa.
  6. Inuusan horay u galin fal dambiyeed maxkamad xukuntay.
  7. In da’diisu u dhaxayso 22-50 jir.
  8. In uu leeyahay xirfado dad la dhaqan wanaagsan iyo wadashaqeyn.

- Advertisement -

T. Baraha Dugsiyada H/Dhexe

  1. Baraha codsanaya dugsiyada hoose/dhexe waa inuu dhigi karo ugu yaraan afar ka mid ah maadooyinka lagu dhigo dugsiyada hoose iyo dhexe.

J. Baraha dugsiyada sare

  1. Baraha codsanaya dugsiyada sare waa in uu dhigi karo ugu yaraan laba (major/minor) ka mid ah maaddooyinka dugsiyada sare lagu dhigo

J. Dugsiyada Farsamada

  1. Baraha codsanaya dugsiyada farsamada waa in uu dhigi karo ugu yaraan afar ka mid ah maaddooyinka dugsiyada farsamada lagu dhigo

X. Dugsiyada Xanaanada

- Advertisement -
  1. Baraha codsanaya dugsiyada xannaanada waa in uu dhigi karo dhammaan maaddooyinka dugsiyada xannaanada lagu dhigo.
  2. Waa inuu fahamsan yahay baahiyaha carruurta yaryar.

Lifaaqan ka codso. (Gal)

2- (Tababaraha Macallinka) Shuruudaha looga baahan yahay codsadaha/musharaxa shaqada waa sidatan soo socoto:

Shuruudo Guud:

  1. Inuu heysto ugu yaraan shahaaddada darajada labaad ee heer jaamacadeed oo ay wasaaraddu aqoonsan tahay oo ah takhasus waxbarasho.
  2. Inuu leeyahay aqoonta aas aasiga ah ee computerka.
  3. Inuu leeyahay Khibrad waxdhigid oo ugu yaraan shan sanno ah.
  4. Inuu ka gudbo imtixaanka qaadashada tababaraha oo af ah (interview).
  5. Inuu jir ahaan iyo maskax ahaanba caafimaad qabo.
  6. Inuusan lahayn balwad caafimaadkiisa, shaqadiisa, go’aan qaadashadiisa ama sumcadiisa bulshada dhexdeeda wax u dhimi karta.
  7. Inuu leeyahay akhlaaq fiican iyo dulqaad, ka fayow yahay cudurada la is qaadsiiyo, aanu lahayna iin wax u dhimi karta gudashada xilkiisa.
  8. Inuusan horay u galin fal dambiyeed maxkamad xukuntay.
  9. In uu leeyahay xirfado dad la dhaqan wanaagsan iyo wadashaqeyn

      Lifaaqyada Muhiimka ah:

  1. Nuqul shahaadada iyo trancriptiga darajada 1aad ee jaamacadda.
  2. Nuqul taariikh nololeedka (CV).
  3. Hal sawir oo teesaro ah, lana qaaday labadii bilood ee u dambaysay.

Lifaaqan ka codso. (Gal)

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON