Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa beenisay warar laga faafiyay maamulka Hirshabeelle oo ku saabsan in la musuqmaasuqay Shaqaalihii Macalimiinta Waxbarashada ee la siiyay Hirshabeelle.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu caddeeyay Hab-raacii loo maray qaadashada macallimiinta saddexda kun ee Qaranka, iyadoo lagu beeniyay wararka baraha bulshada lagu faafiyay ee ah in macallimiinta wasaaradda ee dowlad goboleedka Hirshabeelle la musuqmaasuqay.
“Haddaba, “Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka waxa ay halkaan ku caddeyneysaa in aysan sal iyo raad toona lahayn wararkaas laga faafiyay macallimiinta Hirshabeelle. Habraaca qaadashada macallimiinta saddexda kun ee dhammaan dowlad goboleedyada xubanaha ka ah dowladda federaalka iyo gobolka Banaadir waxaa loo maray hab daahfuran oo loo simman yahay” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Wasaaradda.
Wasaaradda ayaa sheegtay in Howsha Macalimiinta uu gacanta ku hayey guddi si gaar ah loogu xilsaaray oo u madaxbannaanaa arrimaha qaadashada macallimiinta, si hufanna u maareeyay howshooda.
“Haddaba waxaan marlabaad halkaan ku caddeyneynaa in guddigii waday howsha qaadashadaasi ay ka madaxbannaanaayeen faragelin dhanka Dowladgoboleedyada ah. Waxaan kaloo halkaan ku caddeyneynaa in uusan jirin wafdi kormeer ah oo ay wasaaraddu u dirtay dowlad goboleedka Hirshabelle oo ku saabsanaa arimaha la xiriira macallimiinta, habraaca loo soo xulay macallimiinta Hirshabellena uu la mid ahaa kii ay soo mareen macallimiinta gobollada kale”.
Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay si gaar ah ugu mahadcelinaysaa wasiirrada waxbarashada dowlad goboleedyada iyo madaxweynayaashooda oo taageero weyn la garab istaagay habsami u socodka howsha. Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe uu mar walba u taagnaa taageerada howshan.