Wednesday, February 19, 2025

Wasaaradda Waxbarashada oo dib u dhigtay Imtixaankii Shahaadiga ee Dugsiyada Sare (Jadwalka cusub)

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa muddo todobaad ah dib u dhigtay Imtixaanka Shahaadia ah ee Dugsiyada Sare, kadib war-saxaafadeed kasoo baxay.

Wasaaradda ayaa sheegtay inuu dib u dhac kooban ku yimid imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare. Dib u dhacaan ay sabab u tahay culeysyada soo kordhay maalmihii la soo dhaafay, taas oo saamaysay ardayda, waxayna Wasaaraddu garawsatay inay lagama maarmaan tahay in ardayda la siiyo waqti dheeri ah si ay isugu diyaariyaan imtixaanka.

Imtixaanka sannad-dugsiyeedkan 2020/21 la qaadi doonaa 29ka Maajo illaa 2da Juunyo, 2021. Wasaaraddu waxay ku boorisay dhammaan ardayda ka qayb-gelaya imtixaanka in ay waqti siiyaan muraajacada casharrada.

Ad

JADWALKA CUSUB

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON