Wasaaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa goor dhoweyd soo saartay qoraal ay ku sheegtay Weriye muddo ka badan 45 maalmood xirnaa Ciidamada dowladda.
Qoraalka Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Hay’adaha Amniga ay gacanta ku hayaan Maxamed C/wahaab Nuur (Abuuja) oo ku eedeysan inuu ka tirsan yahay Argagixisada Alshabaab.
“Eedeysane Abuuja ayaa loo heystaa inuu qeyb ka ahaa fal dembiyeed la xiriira dil loo geystay marxuumad Baxsaney Booley, dilkaas 6-dii Maarso 2019 ka dhacay dhacay degmada Boondheere” ayaa lagu yiri qoraalka oo intaas ku daray in gal dacwadeedka eedeysanaha loo gudbiyey Hay’adaha Garsoorka.
Wasaaradda ayaan sheegin sababta muddo 45 maalmood ka badan maxkamad la’aan loo hayey, waxaana arrintan ka dhashay su’aalo badan.
Maxamed C/wahaab Nuur (Abuuja) ayaa ahaa tifaftiraha idaacadda Hiigsi ee Muqdisho, waxaana sii deyntiisa dalbaday ururrada saxaafadda iyo saxafiyiinta Muqdisho.
