Wasaaradda Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa shaqooyinkii ka joojisay laba Hay’adood oo Warbaahinta ka shaqeeya, kana howlgala Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta oo uu ku saxiixnaa agaasimaha Wasaaradda ayaa lagu sheegay in la hakiyey shaqadii ay dalka ka hayeen hey’adaha Media Ink iyo Perspective Media, iyadoo lagu eedeeyay inay raaci waayeen nidaamka ay Wasaaraddu u dejisay hay’adaha ka shaqeeya warbaahinta ee gudaha dalka.
Qoraalka wasaaradda ayaa waxaa ku cad in labadan hay’adood ay raaci waayeen qorshaha xukuumadda, lama caddeyn sababta dhabta ah, iyadoo hay’adaha madaxda bannaan aysan qasab ku ahayn inay fuliyaan shaqada dowladda.
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA