Wednesday, September 18, 2024

Wasaaradda Maaliyadda oo Qaadista Canshuurta Iibka ka bilowday Magaalada Muqdisho

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay maanta soo saartay ku wargelisay Ganacsiyadda caasimadda inay maanta dhaqan gashay canshuurta iibka oo saaran 5% wax kasta oo la kala iibsanayo.

Qoraalka Wasaaradda Maaliyadda ayaa shaacisay in laga bilaabo 18-ka Agoosto 2024 ay Qaan sheegad kasta oo ay macaamiishoodu alaab ku gadanayaan ay ku daraan 5% oo ah qiimaha canshuurta gadidda.

“Wasaaradda waxay ku wargelineysaa dhamaan ganacsiyadda kala gedisan in laga bilaabo taa riikhdu marka ay 18-ka Agoosto, 2024 ay qaan-sheegad kasto oo ay macaamiishoodu alaab ku gad- anayaan ay ku daraan 5% oo ah qiimaha canshuurta gadida si looga baaqsado in ganacsadaha lacagtii uu alaabta ku gatay ay u go’do canshuur ahaan. ” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Maaliyadda.

Ad

Wasaaraddu waxay ogeysiisay Ma caamiisha Ganacsiyadda iyo muwaadiniinta in Wasaaradu si toos ah u dhaqangelin doonto qaadi da canshuurta gadida (Iibka).

Canshuurtan oo ay hore uga qeyliyaan dadka Muqdisho ayey ku adkeysatay dowladda Federaalka oo ku doodeysa in la kordhinayo dakhliga gudaha ee canshuur-bixiyayaashu si loo daboolo mushaarka ay bixiso dowladda.

Canshuurta gadida (Sales tax), ayaa ah canshuur dadban oo ay bixinayaan dadka iibsanaya badeecaddaha iyo adeegyada. Canshuurtan ayaa ahayd mid ay ganacsatu dowladda u qaadaan kadibna u shubaan waqtiga ay bixinayaan canshuuraha kale ee ku waajibay ganacsiyadooda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON