Friday, March 21, 2025

Wasaaradda Maaliyadda oo Dib u soo Celineysa Xarumihii Canshuur qaadista Degmooyinka G/Banaadir [Sawirro]

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa dib u dhis ku sameyneysa xarumihii canshuur ururinta degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dib u dhiska xarumaha canshuur qaadista degmooyinka G/Banaadir ayaa laga bilaabayaa shan degmo oo kal ah, iyadoo wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle uu maanta kormeer ku tegay qaar ka mida degmooyinka G/Banaadir.

“Saaka aroortii waxaan u jarmaaday inaan u kuurgalo dib u dhiska iyo shaqada Xarumaha Canshuuraha ee Dagmooyinka Gobolka Banaadir. Waxaan socodkeyga ku bilaabay Dagmada Yaaqshiid oo Xarunteedii Canshuuraha dib u dhis balaaran uu ka socdo. Dhawaan waxaa inoo qorsheysan in aan dhagax dhigno wajiga koowaad ee dib loogu dhisayo Xarumihii Canshuuraha Gobolka Bnaadir ilaa iyo Shan Dagmo ayaan ku daah furi doonaa dib u dhiska…” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Ad

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradiisa ay ka go’an tahay inay dib u soo nooleyso  dhamnaan xarumihii 17-ka Degmo ee Canshuuraha lagu aruurin jiray Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON