Wednesday, February 19, 2025

Wasaaradda Kalluumeysiga Xukuumadda Soomaaliya oo Qoraal Jawaab ah soo saartay [Akhriso]

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay shir ka dhacaya Magaalada London oo ku saabsan shidaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka Caawa kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu beeniyay jiritaanka shidaal la xaraashayo, waxaana lagu sheegay in shirkaas ay ka qeybgeli doonaan mas’uuliyiin ka socda Dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada, Ganacsato Soomaaliyeed iyo xubo kale laguna soo bandhigi doono kheyraadka shidaalka ee u kujira dalkeena, sida lagu yiri war-saxaafadeedka.

Warkan ayaa jawaab u ahaa qoraal uu faafiyey siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo arrintan ku saabsanaa, iyadoo aysan dowladda Soomaaliya soo hore uga hadlin arrintan oo hay’adda shisheeye ay shaacisay Bishii November ee sanadkii hore [Akhriso].

Ad

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dawlada Federaalka Soomaaliya oo gudanayasa waajibaadkeeda shaqo ee loo igmaday waxay ku hawlan tahay hergalinta iyo dhamaystirka hal beegyo iyo hawlo muhiim u ah ka faa’idaysiga kheyraadka Batroolka Iyo Macdanta Soomaaliyeed.

Sidaas darteed waxay Wasaaraddu u xaqiijineysaa ummadda Soomaaliyeed inay u
taagan tahay ilaalinta ammaanadaas weyn ee loo xil saaray iyo dhowrista dhammaan shuruucda lagu maamulayo. Waxay kaloo wasaaraddu u xil saaran tahay in ay ku soo xirto Soomaaliya maalgashadayaal caalami ah oo u maalgashta kheyraatkeenna Batroolka sida ummadda Soomaaliyeed danta ugu jirto, waafaqsanna xeerarka dalka iyo heshiiskii ay wada gaareen dawladda Federaaka iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ah oo lagu caddeeyey lahaanshaha, maamulka iyo wadaagga kheyraadka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliyeed.

Sidaas darteed, iyadoo taas laga duulayo, ayay wasaaraddu qaban qaabisay shir lagu qabanayo London-U.K oo ay ka soo qayb galayaan wasaaradda,xubnaha dawlad goboleedyada ,ganacasatada Soomaaliyeed iyo shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka.

Shirkan waxa lagu soo bandhigi doonaa kheyraadkeenna shidaalka, waxna kama jiraan in shirka lagu xaraashaayo xirmooyin (Blocks).
Hadaba Ummadda Soomaaliyeed waxaan u xaqiijineynaa in si loo bixiyo shati ama
rukhsad shidaal qodis (Licence) ay qaadaneyso wadahadal dheer oo soconaya ku dhowaad sannad, si daahfuranna ay ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto ula socon doonto. Sidoo kale markii rukhsadda la bixiyo si hawl gallada qodista iyo horumarintiisaba looga miro dhaliyo ay qaadaneyso wax ka badan 5 sano.

Ugu dambeyntii waxaan ummadda Soomaaliyeed u xaqiijineynaa in uusan jirin shidaal Soomaaliyeed oo la xaraashayo wasaaraddana ay gudaneyso waajibaadkeeda si ay ummadda Soomaaliyeed ugu faa’ideyso si sax ah kheyraadka Ilaahay ku manbeystay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON