Monday, February 10, 2025

Wasaaradda Diinta Soomaaliya oo ka hor timid xeer ay ansixiyeen Golaha Wasiirada

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku soo biirtay diidmada iyo cambaareynta Xeerka Siyaasadeedka  Qaran ee Jinsiga oo ay diyaarisay Wasaaradda Haweenka ayna meel mariyeen Golaha Wasiirrada Dowladda Soomaaliya.

Agaasimaha Waaxda Diinta Sheekh Cali Maxamuud Cali Dheere ayaa si cad u sheegay inuu taageersan yahay Bayaanka Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ee ku saabsanaa Siyaasadda Qaran ee Jinsiga.

Sheekh Cali Dheere wuxuu sheegay in xeerkaasi uu yahay mid lagu fitneynayo umadda Soomaaliyeed oo fasaad ah, wuxuuna shaki geliyay in wasiirka wasaarada Diinta uu ka mida ahaa wasiiradii ansixiyay xeerkaasi.

Ad

Xeerkan oo shalay ay si weyn uga hor yimid culimada iyo odayaasha, waxaana Bayaan kasoo saaray Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ku tilmaantay mid Diinta ka hor imanaya.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON