Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay dadkii ugu danbeeyay ee laga helay cudurka Covid-19.
Warbixinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay inuu cudurka Coronavirus soo ritay maalmihii ugu danbeeyay 95 qof oo ay inta badan ku sugan yihiin degaanada Somaliland.
Dadka cudurka laga helay waxay kala joogaan:
- Somaliland: 72
- Benadir: 17
- Koonfur Galbeed: 4
- Galmudug: 2
Waxaa cudurka ka bogsaday 31 qof, iyadoo ay u dhinteen 5 ruux, waxayna tirada guud ee cudurka laga gudaha Soomaalia ay gaartay: 1,689, tirada guud ee bogsashada aya ah 23, halka geeridu gaartay 66 qof.
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaan wax kiisas ah shaacin kadib 22-kii bishan, taasoo ay ugu wacneyd munaasabadii Ciidul fitriga.
