Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay jadwal ay u sameysay dhismaha maamulka Gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan oo ah maamulka ugu danbeeya ee dowladda Federaalka ay dooneyso inay dalka ka dhisto ka hor 2016.
Jadwalka ayaa muujinaya in 1-da September 2015 uu furmi doono shirka maamul u sameynt gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe.
Hoos ka akhri qoraalka wasaaradda
QORSHAHA MAAMUL DHISIDDA GOBOLLADA HIRAAAN IYO SHABEELADA DHEXE
Sida ku cad dastuurka dalka iyo hiigsiga 2016 waajibaadka ugu waaweyn ee horyaala Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka waxaa ka mid ah hirgelinta federaalka iyada oo loo maraayo dhisidda maamul goboleedyada xubnaha ka noqonaya dowladda federaalka ah.
Ka dib dhisitaankii taariikhiga ahaa ee maamulka ku meel gaarka ah ee Galmudug waxay Wasaaraddu ka howl bilaabeysaa taaba galinta iyo dardar galinta dhisidda Maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe hab waafaqsan dastuurka dowlada federaalka.
Si  loo dadajiyo dhisidda maamulkaas waxaa laga mamaarmaan ah in loo helo diyaargarow buuxda arimaha soo socda.
Waxaan halkaan idin kula wadaagayaa qorshaha loo dajiyay qaabka loo mari lahaa dhisidda maamulka.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]