Monday, March 24, 2025

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya oo ka noqotay Shirkad loo xiray Fiisihii Dalka Kenya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa qoraal cusub oo ay u dirtay dowladda Kenya ku burisay qoraal hore oo ka baxay isla wasaaradda oo shirkada gaara lagu siiyay maamulka Fiisaha Kenya.

Qoraalka wasaaradda ee danbe oo soo baxay shalay oo ku beegan 22 Febraayo 2023 ayaa lagu caddeeyay in Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa Qoraalka hore mid aan jirin oo aan ka turjumaynin mowqifka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

“Waxaan cadeyneynaa in Dowladda Soomaaliya aysan aqbalin cidna u idman Hay’ad ama shaqsiyaad inay Muwaadiniinta Soomaalida u fududeeyaan codsiyada fiisaha Kenya. Waxaan sidoo kale jeclaan lahayn inaan caddeyno in dawladda Soomaaliya ay ka fileyo Kenya hirgalinta Heshiiska Visa ee Imaatinka lagu siinayey dadka wata Baasaboorka Soomaaliga ee la saxiixay Luulyo 15, 2022” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Ad

Qoraalkan ayaa yimid kadib markii Baraha bulshada loo dusiyey, laguna faafiyay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya oo loo diray Dowladda Kenya 15 Febraayo 2023, kaasoo shirkad lagu magacabo Global Tour and Travel Service, taasoo loo xiray fududeynta dalka ku galka Kenya.

Wasaaradda Arrimaha dibadda ma beenin in qoraalka hore ee laga noqday hadda ay iyadu dirtay, balse waxay qoraalkeeda cusub ee isna la diray toddobaad kadib maanta oo ah 23 Febrayo 2023 ku cadeysay in qiraalkaasi aanu sax ahayn, oo aan tixgein ah la siin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON