Tuesday, December 10, 2024

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia oo War degdega kasoo saartay Xabbad-joojinta Yeman

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya oo war kasoo saartay xaaladda dalka Yeman ayaa taageertay xabbad joojinta jabtay ee Isbaheysiga Sacuudiga uga dhawaaqay dalkaasi.

War-saxaafadeed la sheegay inuu degdeg yahay oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa u qornaa sida soo socota:

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhoweynaysaa baaqa ka soo yeeray wadamada isbaheysiga carbeed ee taageera Xukuumadda sharciga ah ee Yemen ee ku dhawaaqay xabad-joojin ka dhaqan-gasha dalka Yemen muddo labo todobaad oo ka bilaabmaysay 9 April, waxayna ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada Yemen in ay xoojiyaan wadahadalka si loo abuuro deganaansho, lana xaliyo arrimaha khilaafka keenay si soo afjari karta loolanka siyaasadeed iyo midka nabadgelyo.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay caddeyeysaa taageerradeeda dhammaystiran ee dadaalka Qaramada Midoobey iyo hindisayaasha uu Golaha Ammaanka ka horjeediyay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres, waxayna xaqiijinaysaa garab istaaggeeda howsha Ergeyga Qaramada Midoobey ee Yemen si loo gaaro xal siyaasadeed oo loo dhan yahay oo ka guul keena nabadda iyo xasiloonida Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Yemen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON