Monday, May 20, 2024

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Somaliya oo 4 Bilood kadib yeelatay Wasiir

Wasiirka cusub ee Wasaaadda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta xilka la wareegay, kadib markii wasaaradaasi ay wasiir la’aan ahayd muddo 4 bilood ah.

Wasiir Axmed Fiqi oo hore u ahaa wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta ayaa xilkan loo magacaabay dhowaan, wuxuuna xafladii uu xilka kula wareegay ka sheegay inay sharaf u tahay qabashada xilka wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda.

“Wasaaradda arrimaha dibadda oo ah hoggaanka diplomaadiyadda Soomaaliya waxaan ku raja weynahay in hawshii iyo dadaaladii socday aan sii laba jibaari doono, dalkeena iyo masaalixdiisana aan sida ugu wacan u matali doono.” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Ad

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Abshir Cumar Haruuse ayaa 18-kii December 2023, iska casilay xilka, isagoo markaas olole u galay doorashada Madaxweynaha Puntland.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON