Thursday, November 30, 2023

Wasaaradda Amniga oo soo saartay Amar ku socda Dadka iyo Shirkadaha heysta Hubka

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku socda dadka iyo shirkadaha heysta Hubka, iyadoo loo qabtay muddo ay ku diiwaan geliyaan.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga ayaa lagu yiri: ”Xafiisyada ay warqadani sida tooska ah ugu socoto waxaan idinku wargalinayaan inay nagala shaqeysaan sidii ay hay’addaha iyo shirkadaha ka shaqeeya amniga iyo xarumaha gaarka loo leeyahay sidii ay isku soo diiwaan galin lahaayeen hubka ay haystaan muddo 15 maalmood guddahood ah”.

Amarka ka soo baxay wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda ayaa si toos ah ugu socda Hay’adaha iyo Shirkadaha ka shaqeeya Amniga oo ah kuwo ilaalo ahaan ay u kireystaan ajaaiibta dalka timaada iyo xarumaha gaarka loo leeyahay oo ay ku jiraan goobaha waaweyn ee ganacsiga.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON