Waxaa soo shaac baxay in wasaaradaha xukuumadda Somalia aysan iska war qabin ama isku khilaafsan yihiin qaabka loola macaamilayo dowladda Kenya oo dhowaan joojisay inay fiiso garoomada ku siiso madaxda dowladda Somalia ee sita baasaboorka diblomaasiga.
Waxaa magaalada Nairobi shalay ka dhacay shirweyne lagu xusayey asaaska Hay’adda UN Habitat oo madaxweynaha Kenya uu furay ayaa la filayey inay qaadacdo Dowladda Somalia, kadib, tallaabadii ay dowladda Kenya dalkeeda uga soo celisay wafdi ka qeyb geli lahaa shir kale oo Nairobi ka dhacayey, laakiin waxaa shirkii shalay ka qeyb galay wasiirka howlaha Guud ee xukuumadda Somalia Cabdi Aadan Xoosow iyo safiirka Somalia ee Kenya Maxamud Axmed Nur Tarsan.
Safiir Tarsan oo la weydiiyay gp’aankii wasaaradda caafimaadka xukuumadda Somalia kasoo baxay ayaa yiri: ”Siyaasadda arimaha dibadda Dalka waxaa hogaamiya Wasaarada Arrimaha Dibadda, wasaarad kale oo laga wareysanayo wax ku saabsan arimaha dibada ma jirto, waxay soo saarto wasaarada arimaha dibada ayaa magaca dawlada ku hadlaya..”.
Arrintan ayaa muujisay in wasaaradaha xukuumadda Somalia aysan iska warqabin ama arrinta Kenya ay isku diidan yihiin, wasaaradaha qaadacay shirarka Nairobi lagu qabto waxaa ka mida wasaaradda Qorsheynta xukuumadda Somalia.
Dowladda Kenya ayaan ka jawaabin dib u celintii mas’uuliyiinta dowladda Somalia, lakiin safiir Tarsan ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma ay u sheegtay inay ka jawaabi doonaan cabashada Somalia.