Wasaaradada Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaraddaha Dowlad Gobaleedyada ay ka maqan tahay Puntland iyo Gobolka Banaadir ayaa Magaalada Muqdisho kusoo gabagabeeyay shir ku saabsan imtixaanka Qaranka ee sanadka 2019/2020, iyadoo laga soo saaray Wararka ayaa sheegaya-saxaafadeed.
Shirka waxaa ka qeyb-galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed iyo Wasiiradda Wasaaradaha Waxbarashada Maamul Gobaleedyada marka laga reebo Puntland, shirka Goob jog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada XFS, Agaasimayaasha Wasaaraddaha Waxbarashada Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.
Shirka ayaa Qodabada laga soo saaray waxaa ka mid ahaa.
1 Qorshaha imtixaanka qaranka fasalka 8-aad iyo fasalka12-aad si looga baaraandago qorshayaasha xiga ee soo aadan iyo Ansixinta Qorshaha imtixaanka fasalka 12-aad oo ah waajibaad qaran oo dhawaan la galayo.
2-In la dhowro masuuliyada dastuuriga ah ee ku saabsan hubinta helitaanka adeegyo Waxbarasho oo tayo leh oo ay helaan ardayda soomaaliyeed.
3- Sidoo kale waxaa la isla gartay xaqiiqada ku qotanta in la hergaliyo iyo in la xaqiijiyo hab mideysan oo ardayda loo siinayo shahaadada dugsiga sare iyo in la qaado imtixaanka shahaadiga ah oo mideysan dalka oo dhan.
4-Waxaa la isku raacay in la qaado imtixaan shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2019/2020 inta u dhaxeysa 25 ilaa iyo 29 abril waxana leesla gartay in arday kasta oo aan galin imtixaanka shahaadiga ah ee mideysan uusan xaq u yeelaneyn in uu helo shahaadada ay bixiso wasaaradda waxbarashada XFS.
5-sidoo kale waxaa la isla in ardaydii ku dhacday imtixaankii laga soo gudbay ay ka qeyb galaan imtixaanka islmarkaan ay hada xaq u leeyihiin in ay ka qeyb galaan imtixaan sanad dugsiyeedka 2019/2020 si waafaqsan sharuudaha iyo hab raacyada kale ee u dagsan imtixaanka qaranka.
Waxaa la isku raacay in dowlaha xubnaha ka ah DFS, ay dajiyaan islamarkaan ay qaadaan imtixaanka fasalka 8–aad ee dugsiyada Hoose & dhexe si loo hubiyo sugnaanta iyo tayada waxbarashada ardaga u soo gudbaya heerka fasalka 1-aad ee dugsiga sare.
Sidoo kale shirku waxa uu ku booriyay wasaaradda waxbarashada XFS, in ay xaqiijiso hergalinta iyo badqabka shahaadada qaranka oo sumcad balaaran ku leh caalamka intiisa kale .
Ugu danbeyntii xubnaha shirka ka qeyb galay waxa ay ugu baaqeen wasaaradda waxbarashada maamulka puntland in ay ku soo biiraan hannaanka waxbarashada dalka islamarkaana ay doorkooda ka qaataan mideynta iyo tayada waxbarashada ee uu dalku leeyahay si loo badbaadiyo mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed.