Wednesday, February 19, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee Magacaabista Golaha Wasiirada cusub iyo Xog laga helay

Waxaa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ka socda dadaalladi ugu danbeeyay ee shaacinta Golaha Wasiirada cusub ee xukuumadda Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo is daba jooga la yeeshay xildhibaannada Baarlamaanka oo qaab dowlad Goboleed loo casuumay, waxayna kulamadaasi ahaayeen kuwo kusoo koobmay codsi ka yimid madaxweynaha.

Sida laga soo xigtay xildhibaannada la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu ka codsaday inay taageeraan xukuumadda cusub, isagoo u sheegay inaan la magacaabi karin dhowr boqol oo wasiir, balse uu doonayo in lala shaqeeyo xubnihii nasiib u yeesha ee la magacaabo.

Ad

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in inta badan xubnaha Golaha Wasiirada ay ka imaan doonaan xildhibaanada Golaha shacabka, iyadoo ay ku jiraan xubno yar oo bannaanka laga keenay.

Dhinaca kale wasiirada waxaa u badan siyaasiyiinta xisbiga Xasan Sheekh ee UPD, iyadoo uu Ra’iisal wasaaraha kasoo jeedo isla xisbigaasi, taasoo ka dhalatay inuu Madaxweynaha ku adkeystay inuu inta badna Golaha Wasiirada siinayo dad uu garanayo.

Magacaabista Golaha wasiirada oo qaadatay muddo ka badan xilligii la filayay ayaa hadda la sheegay in lasoo gabagabeeyay, waxaana mar kale Galabta dib u dhac ku yimid shaacinta Golaha Wasiirada cusub oo la sugayey, iyadoo kulan kale oo albaabada u xiran yahay ay galeen Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON