Friday, March 28, 2025

Warqad Sir ah oo laga qoray Madaxda NISA- [Mukhtaar Roobow oo saameyn ku leh Go’aanadda NISA!]

Qoraal ay qoreen xubno u muuqda inay yihiin sirdoon ku dhex jira Hay’adda Sirdoonka Soomaalida ee NISA, loona diray sarkaal ajnabi ah ayaa muujinaya warbixinno laga qoray madaxda NISA.

Qoraalka ayaa waxaa qoray laba nin oo magacyo Soomaali ah wata, waxaan loo diray sarkaal ajnabi ah oo u muuqda inuu yahay Mareykan ama reer Yurub, iyadoo looga warramayo xaaladihii ugu danbeeyay ee hay’adda NISA.

Warbixinta ku qoran qoraalka ayaa ah warar uu bixiyey taliye ku xigeenkii hore ee NISA Jen. Cabdalla Cabdalla Maxamed oo dhowaan xilka laga qaaday, waxaase lagu kordhiyey in Sheekh Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa madaxdii hore ee NISA oo hadda heshiis kula jooga dowladda Federaalka uu degan yahay xarunta weyn ee NISA, isagoo saameyn ku leh go’aannada Hay’adda NISA.

Ad

QORAALKA HOOS KA AKHRISO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON