Warkii ugu horeysay oo rasmi ah ayaa laga soo saaray Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo warar kala duwan kasoo baxayaan inuu ku biiray Alshabaab, isagoo ka mid ahaa macalimiinta Jaamacadda Umadda.
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo xalay ka hadlay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay in abwaankaasi u goostay Al Shabaab, isagoo hore dalka ugu soo galay Waddaniyad been ah.
“Nin halkan nala joogay oo Abwaan noo sheegtay iyo waddani noo sheegtay ayaa hal mar waxaa la yiri: waa tegay gabayadiisii marka dib loo fiiriyay…., waaba la yaabay sida uu ninkaan dadka u dhex joogay” ayuu yiri wasiir Fiqi oo Abwaan Nageeye ay Alle mahadiis tahay in ninkan aanu madaxda dalka isku dhax-qarxin.
Wasiir Fiqi ayaa Dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inay is dhex galeen dowladdii iyo kooxaha Khawaarijta, taasoo nidaamka dowladda dhex gelisay xubno ka tirsanaa Al Shabaab.