Wargeys kasoo baxa dalka Faransiiska ayaa sawir-gacmeedo ceebeyn iyo jeesjees ah ka sameeyay muuqaalka Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan.
Wargeyska ‘Charlie Hebdo‘ oo ah isla wargeyskii sawir-gacmedyada aflagaadada ah ka sameeyay Rasuulka SCW ayaa daabacay Arbcadii sawir-gacmeed lagu bedelay muuqaalka Madaxweynaha Turkiga oo si xun loo ekeysiiyey.
Arrintan ayaa uga sii dartay xiisadda ka dhex taagan dalalka Faransiiska iyo Turkiga, waxaana falkan cambaareeyay Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga Ibrahim Kalin oo sheegay in weerarka madaxda aanu ahayn xoriyad, balse ay tahay damiir xumo iyo dadnimo xumo meeshii ugu liidatay.
“Waxaan si adag u cambaareyneynaa wargeyska Faransiiska ee daabacay muuqaallada madaxweynaheena.. ma jirto cid uu xushmad u hayo.. waxay na tusiyeen akhlaaq xumidooda iyo sida ay niyada uga dhigteen..” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga.

Sawir-gacmeedka wargeyska Charlie Hebdo ayaa oo wejiga hore kusoo baxay ayaa muujinayey Erdogan oo fadhiya isagoo xiran funaanad yar iyo Nigis, gacantana ku haya cabitaan Khamri ayna dhinac taagan tahayhaweeney xijaab xiran, isguna uu dharka ka qaadayo.
Dunida muslimka ayaa waxaa ku sii xoogaysanaya bannanabaxyada iyo qaadicidda alaabta lagu sameeyo Faransiska oo caado ka dhigtay afladaadada diinta islaamka iyo Nebi Muxamed NNHK.