Wednesday, February 19, 2025

Warbixinta Xuquuqda Insaanka ee UN-ka oo lagu kashifay inay ciidamo Somali ah ka dagaalameen Tigray

Warbixin la fialyo inay dhowaan kasoo baxdo Guddiga Xuquuqda Insaanka Qaramada Midoobay ee Xaaladda Eritrea ayaa lagu xusay wararka sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo tababr loo geeyay dalka Eriteeaa ay ka qeyb galeen dagaalkii ka dhacay gobolka Tigrayga ee waqooyiga Itoobiya.

Warbixinta oo qeyb yar oo ka mida lagu xusay arrintan ayaa soo xiganeysa inu gudiggu healy ‘Warar iyo warbixino’ ku saabsan in ciidamo Soomaali ah oo tababar u joogay Eritrea loo qaaday Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, iyagoo la socda ciidamada Eritrean-ka ahna ay ka gudbeen xuduudka Itoobiya, sidoo kalena dagaalyahanno Soomaali ah lagu arkay magaalada Aksom ee Gobolka Tigray.

Warbixinta oo qeybtaas yar laga soo dusiyey ayaan wadan caddeyo la isku halleyn karo, laakiin waxay durba kicisay dood xoog leh oo ka socota baraha bulshada, iyadoo si weyn loo eedeynayo Madaxweynaha xillgiis dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Ad

Arintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo waalidiinta askarta dowladu geysay dalka Eritrea ay cabasho iyo bannaanbaxyo joogto ah wadeen muddo bilo ah, wax jawaab ahna aanay ka helin madaxda dowlada, iyadoo kiiskan ay kaliya maamuleen Maxamed Farmaajo iyo Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin.

Dowlada Ereteriya ayaa markii danbe qiratay inay dagaalka Itoobiya qayb ka qaateen, kadib muddo dheer oo ay beenineysay. Kooxaha xuquuqda aadanuha u dooda ayaa soo bandhigay denbiyo dagaal oo ay galeen ciidamada Eritrea iyo tuulooyin badan ay cagta mariyeen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON