Wednesday, May 1, 2024

Warbixin: Odayaasha Reer Afgooye ee Taliyaha Booliska ugu xiran Muqdisho (Xil. Cali Afgooye & Gen. Xijaar)

Waxaa si weyn u soo shaac baxay kiis ku saabsan odayaal laga soo xiray degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose, kuwaas oo ciidamada gaarka ah ee Booliska ay howlgal kusoo qabteen, kadibna lagu xiray xarunta Dembi-baarista CID-da ee magaalada Muqdisho.

Arrintan waxaa markii ugu horeysay qarxiyey Xilidhibaan Cali Sheekh Cabddulaahi (Cali Afgooye) oo ka mida Golaha Shacabka Baarlamaanka 10-aad, isagoo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Xijaar Ku eedeyay inuu arrimo siyaasdeed ka leeyahay xariga odayaasha, wuxuuna ku tilmaamay mid afduub ah.

Xildhibaan Cali Afgooye ayaa ka hadlay sida odayaasha Muqdisho lagu keenay iyo in gurigiisa ay yimaadeen, kadib markii loo diray inuu Muqdisho keeno taliyaha Booliska Degmada Afgooye oo amarka ka heysta Taliye Xijaar. Wuxuu caddeeyay in Taliyaha CID-da uu meermeeriyay, una sheegay inay odayaasha u xiran yihiin Taliyaha Booliska, halka Taliye Xijaar dhinaciisa markii uu la xiriiray, isna uu u sheegay inuu la xiriiro Taliyaha CID-da.

Ad

Odayaashan ayaa Degmada Afgooye laga soo qabtay 28kii Bishii Seprembar 2021, waxayna ilaa hadda muddo ka badan 10 maalmood ku jiraan gacanta Booliska. Labada oday oo caan ka ah degmada Afgooye, kana mida nabadoonnada Beesha Gelledi waxay kala yihiin: Nabadoon Xasan Yuusuf Maxamed Khadiib (Xasan Yare) iyo Nabadoon Muxyadiin Cali Cumar Ciise (Deerey).

Eedeynta kasoo yeertay Xildhibaan Cali Afgooye 4-tii Bishan Oktoobar, waxaa maanta oo ah 6-da Oktoobar ka jawaabay Taliska ciidamada Booliska Soomaaliya oo beeniyay inay afduub u heystaan laba qof oo shacab ah oo ay kasoo qabteen degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.

Afhayeenka Booliska C/fataax Aadan Xasan ayaa sheegay in labadaas qof tuhun loo soo qabtay, baaritaanna lagu wado, sida uu yiri isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay hadallada kasoo yeeray xildhibaan Cali Afgooye ee ah in xaruntii CID-da dad lagu afduubtay.

- Advertisement -

Afhayeenka Booliska ma sheegin inay Maxkamad amartay xariga odayaasha, dembiga loo heysto waxa uu yahay iyo sababta mudadda dheer ee labada Nabadoon lagu hayo xarunt CID-da.

Dadka degmada Afgooye ayaa Isniintii bannaanbax dhigay, iyadoo dalbaday in la sii daayo odayaasha ka xiran oo ay sheegeen in si xaqdarro ah lagu heysto. Arintan ayaa loo maleynayaa inay salka ku heyso Doorashada, halka Booliska laga soo xigtay in odayaashan loo heysto tuhun Alshabaab ku saabsan.

Maamulka K/Galbeed oo degmada Afgooye ay hoostagto ayaan wax war ah kasoo saarin arrinta odayaasha nabaddoonnada ah ee Booliska Soomaaliya kasoo xirtay degmada Afgooye.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON