Magaalada Brussels ee dalka Biljimka waxaa Isniinta 16-ka Bishan ka furmaya Madasha Shirka Arrimaha Soomaaliya ee Somali Partnership Forum.
Shirkan oo daba socda Shirarkii lagu qabtay Magaalooyinka London iyo Muqdisho bilihii December 2017 iyo May 2018, waxaa lagu casuumay Madaxda Dowladda Dhexe, Maamul Goboleedyada, Ururada Bulshada Rayidka iyo Ganacsatada, kuwaasoo kaalin ku yeelanaya shirka oo muhimad gaar ah leh sanadkan.
Waxaaa kaloo ka qeyb galaya:Â Bankiga Aduunka, Midka Afrika, Hay’ada lacagta Aduunka ee IMF, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Jamaacada Carabta iyo wakiilo ka socda dowladdaha daneeya arimaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa gaaraya Magaalada Brussels, waxaana sidoo kale halkaasi ku sii jeeda madaxda dowlad goboleedyada dalka oo dhammaantood ka qeyb galaya shirka.
Shirka Brussels arrimaha diirada lagu saarayo waxaa Kamid ah; Amniga Qaranka, iyo bixitaanka ciidamada AMISOM. Waxaa sidoo kale looga hadli doonaa; Qorshaha amniga Qaranka, Bixitaanka Amisom iyo Dib udhiska Ciidamada. Hormarka Dhaqaalaha, Deyn Cafiska, Dib usoo nooleynta Dakhliga.
Marka laga halayo arimaha Siyaasada, Dowladda waxey Madasha horgeyn doontaa; Siyaasadda loo dhanyahay, Kheyraadka Wadaagiisa, Nidaamka Doorashada, Dib uhabeynta dastuurka, Xeerka Doorashooyinka iyo Nidaamka Doorashooyinka oo la isla qaatay si dalka Hal qof iyo Hal cod doorasho ah uga dhacdo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Khudbadiisa furitaanka shirka la filayaa inuu ku faahfaahiyo waxyaabaha dowaldiisa qabatay 420-ka Maalmood ee uu Xafiiska fadhiyay.
Shirka waxaa barbar socon doona shirar doceedyo 3 qeybood ka kooban oo kala ah:
1- Shir ay isugu Imanayaan Ganacsatada waaweyn ee Somalida iyo Maalgadayaasha shisheeye oo looga hadlayo ka Faa’ideysiga Kheyraadka dalkan iyo fursadaha maalgashi.
2- Shir ku saabsan barakacayaasha iyo Qaxootiga oo looga doodayo Labada Milyan iyo Bar kaQof oo ku barakacsan gudaha dalkan iyo Hal Milyan oo Qaxooti ah.
3- Shirka doceedka kale ayaa ah mid la xiriira Haweenka iyo qeybta ay ku leeyihiin Horumarka, Amniga iyo dib udhiska dalkan.
Shirkan ayaa imaanaya iyadoo uu Khilaaf udhexeeya Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada qaarkood, siiba Jubaland oo dib u celisay taliyaha cusub qeybta 43-aad ee dowladu dhowaan magacawday.