Saturday, May 17, 2025

Warbixin: Farmaajo oo Somaliya u jiheeyay Dowlad KMG ah oo go’doonsan (3-da Xaqiiqo ee Muddo kororsiga)

Kadib muddo kororsigii uu 12- April 2021 ku dhaqaaqay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday waxaa si adag uga hor yimid beesha caalamka ee taageerta dowladnimada Soomaaliya ee saameynta badan leh sida: Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub.

Wakiilada dalalkan waxay kor iyo hoos ugu sheegeen Farmaajo inuusan qaadin tallaabo muddo kororsi ah, taasoo haddii ay dhacdo ku qasbanaan doonaan inay ugu yaraan joojiyaan tageerada ay siiyaan Dowladnimada Soomaaliya iyo in cunaqabateyn la saaro madaxda dowladda ee muddo kororsiga ka shaqeysay.

Farmaajo wuxuu dhegaga ka fureysay dhammaan tallooyinkii diblomaasiyadeed iyo hanjabaadii hoose, kadibna waxay xaaladu gaartay in si toos ah War-saxaafadeedyo u soo saaraan, wuxuuse ugu jawaabay in mudd kororsiga uu yahay rabitaan dadweyne iyo suuragelinta Doorasho Qof iyo Cod ah.

Ad

Ilaa hadda waxay xaaladu u muuqataa inay rajo beel in Farmaajo lagu qanciyo wadahadal iyo inuu ka noqdo muddo kororsiga labadada sano ah, waxaana muuqata inuu wajihi doono afar xaqiiqo oo Soomaaliya dib ugu celineysa Xaaladii KMH ahayd ee laga soo gudbay sanadkii 2012 dowladii Shariif Sheekh Axmed.

Tallaabooyinka ay caddeeyeen inay qaadi doonaan Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub ayaa kala ah:

1- Inay xiriirka u jaraan ama aqoonsiga kala noqdaan dowladda Soomaaliya ee xilka kororsatay.

- Advertisement -

Arrintan waxay keeni doontaa in xiriiro toos ah la sameeyaan maamul Goboleedyada iyo Somaliland, taasoo halis ku ah dowladnimada Soomaaliya ee dib loo dhisayey.

2- Inay joojiyana kaalmada iyo taageerada ay siiyaan Dowladda Soomaaliya

Taageerada ay dalalkan bixiyaan waxay isugu jirtaa: mashaariic, kab miisaaniyadeed, milateri iyo dhisme hay’adaha dowlada. Ku dhowaad 70% Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub waxay bixiyaan Mashraariicda Soomaaliya. Ilaa 50% waxay kabaan Miisaaniyadda Somaila, waxayna guud ahaan bixiyaan dhaqalaha iyo hubka ku baxa ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya.

3- Xayiraad iyo Cunaqabateyn la saaro Madaxda Soomaalida ee xilka kororsaday

- Advertisement -

Tallaabooyinka ay sheegeen inay qaadi doonaan Mareykanka, UK iyo Midowga Yurub waxaa ka mida inay xayiraad ku soo rogi doonaan madaxda Soomaalida, waxaana ugu horeeya: Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Maxamed Mursal Sheekh.

Arrimahan oo dhan marka la isku daro waxay keenayaan in Soomaaliya dib ugu laabato xaaladii Kumeelgaarka ahayd ahayd ee laga keenay 10 sano ka hor, ay istagaan horumarkii laga gaaray arrrimaha deyn cafinta, Amniga iyo dhaqaalaha, taasoo ay ugu wacan tahay kursi isku dhejinta Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Dalalka uu isku halleynayo Maxamed Farmaajo ee Eritrea, Qatar, China, Itoobiya, Russia iyo kuwo kale xitaa haddii ay taageeraan muddo kororsigiisa diyaar uma aha inay buuxiyaan kaalinta dalalka Soomaaliya maalgeliya, waxay uun uga sii dari doonaan xaaladda hubanti la’aanta ah ee Soomaaliya ku socoto, haddii aan laga hortegin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON