Warbixin ay qortay Jariirada caanka ah ee New York Times oo ku saabsan weerarkii Alshabaab ku qaaday Saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay, Lamu dalka Kenya ayaa lagu kashifay xog ku saabsan weerarka iyo sidii ay u dhaqmeen ciidamada Kenya ee saldhiggaasi ku sugnaa.
Warbixinta oo ay iska kaashadeen afar ka mida weriyeyaasha Wargeyskan weyn ayaa laga soo ururiyey xogo laga helay saraakiisha Mareykanka ee ku sugnaa Saldhigga Manda Bay, Wasaaradda difaaca Mareykanka iyo ilo kala duwan oo ay ku jiro warbixinta baaritaan socda, waxaana si weyn loogu faahfaahiyey sidii ay wax u dhaceen markii ay Alshabaab gudaha u galeen xeradaasi 5-tii Janaayo 2020.
Qodobadda ugu muhiimsan ee warbixintan ka hadashay ayaa waxaa ka mida in Ciidamada Kenya ee ku sugnaa saldhigga, lana filayey inay difaacaan, kana hortagaan weerarka Alshabaab inay firxadeen oo ay isku qariyeen geedaha saldhigga ku dhow, halkaasoo ay daawanayeen weerarka intii uu socday iyo in la baarayo suuragalnimada iyo xubno ka mida Kenyaan saldhigga ka shaqeeya ay fududeeyeen weerarka Alshabaab.
Saraakiisha ciidamada Mareykanka ayey sheegtay warbixinta inay si weyn uga caroodeen oo madax xanuunka qaadeen hab-dhaqanka ciidamada Kenya intii uu socday weerarka iyo kadib weerarka. Waxayna ciidamada Kenya shaaciyeen weerarka kadib inay qabteen lix ka mida dableydii weerarka soo qaaday ee Alshabaab iyadoo ay markii danbe caddaatay inay ahaayeen dadka degaanka, lana sii daayey.
Waxay warbixintu faahfaahisay sida loo dilay saddex Mareykan ah oo ku dhintay weerarka Alshabaab, kuwaasoo kala ahaa askari ka tirsan ciidamada Mareykanka iyo laba qandaraaslayaal ah oo la shaqeeya wasaaradda difaaca Mareykanka oo diyaaradii ay markaas la socdeen ay qarxiyeen Alshabaab.
Weerarkii Alshabaab ee saldhigga Manda Bay, Kenya oo lagu dilay 3 Mareykan ah wuxuu ahaa dhacdo weyn oo gilgili lahayd Maamulka Madaxweyne Trump laakiin waxaa daboolay xiisadii Bariga Dhexe iyo dagaalkii qarka loo saarnaa inuu dhex maro Iiraan iyo Mareykanka.
Warbixinta Wargeyska NewYork Times waxaa ka jawaabay afhayeenka ciidamada Kenya Col. Paul Njuguna oo sheegay inay layaab ku noqotay warbixintan xilliga lagu soo beegay, iyadoo uu socdo baaritaanka weerarkaasi, lana sugayo xaqiiqada sidii wax u dhaceen.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya oo is qariyey ayaa wargeyska Daily Nation u sheegay in warbixinta New York Times ay xaqiiqada ka fog tahay, waxayna ku doodeen in Saldhiga Manda Bay uu yahay saldhig Mareykan oo laga rabo inay difaacdaan, ayna la yaab tahay in Mareykanku ogaan waayeen weerarka ku soo socda.
Warbixinta ayaa fadeexad ku ah ciidamada Kenya, gaar ahaan kuwa gaarka ah ee loo yaqaan Rangers-ka oo Mareykanku sanado badan ku tababarayey saldhigga ay Alshabaab weerartay ee Manda Bay, iyadoo Kenya ay caan ku tahay inay qariso qasaaraha soo gaara ciidamadeeda.