Thursday, April 24, 2025

Warbixin buuxda: Diyaaradii ku dhacday duleedka Afgooye & Alshabaab oo la wareegay

Wararkii ugu dambeeyay ee diyaaradii durhurnimadii maanta ku dhacday duleedka magaalada Afgooye, degaanka loo yaqaan Cumar Durre ayaa sheegaya kooxda Alshabaab maleeshiyo ka tirsan ay la wareegtay diyaaradaasi.

Faahfaahin kale lagama hayo  sababay in diyaaradda u dhacday,  dadka deegaanka ayaa sheegaya in diyaaradda ay ku dul wareegatay hawada, ka hor inta aanay u jiheysan galbeedka magaalada kadibna ay dhacday. Dadka ku nool xaafadda Cusmaan Durre ayaa sheegay in diyaaradda ay kusoo dhacday deegaan ay maamulaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika, ayaa u jiheystay goobta ay diyaaradda ka dhacday, oo u dhow degmada Afgooye, hase yeeshee roobab xooggan ayaa caqabad ku ah howl-galkooda, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose iyagoo ku fashilmay inay gaaraan goobta diyaaradu ku dhacday.

Ad

Diyaraadan ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan iyadoo ahayd mid aan diiwaan gashaneyn isla markaana u kireysneyd Qandaraaslayaal la shaqeeya Amisom oo ah shirkado fara badan oo cidna aan koontaroolin. Wararka qaar ayaa sheegaya in  9 qof  ugu yaraan ay saarnaayeen diyaaradda dhacday oo xaalkooda aan la ogeyn lagase cabsi qabo haddiiba ay badbaadeen inay Alshabaab u gacan galeen.

Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegay in diyaaradda aysan saarneyn Cid Mareykan ah. Wuxuuna xaqiijiyay in  diyaaradda dhacday laga lee yahay dalka Kenya.

Diyaaradda ayaa lagu warramay inay kasoo baxday magaalada Nairobi, kuna wajahneyd garoonka Ballidoogle oo 90 KM dhinaca galbeed kaga began Muqdisho.

- Advertisement -

Goobjooge.com/Wakaalado

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON