Warbaahinta Goobjoog ayaa War ayka soo saartay xariga weriyaheeda Cali Aadan Muumin oo maalintii 2aad ku xiran xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho ku sheegay in xariggiisu yahay sharci darro loo fuliyay hab ka fog hannaanka Dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Hoggaanka Dembi Baarista (CID) uu ku xadgudbay xuquuqda muwaadinnimo ee Wariyaha iyo madax-bannaanida warbaahinta xorta ah ka dib markii ay ugu yeereen weriyaha su’aalo weydiin ka dibna ay xabsiga u taxaabeen, iyadoo ugu baaqay Dowladda inay sii-daayaan weriyaha, xorriyaddiisa dib loogu soo celiyo.
“Bahda Warbaahinta Goobjoog oo horey hanjabaad iyo cagajugleyn kala kulantay hay’adaha Aminiga ee Xukuumada Federaalka Soomalaiya waxay welwel ballaaran ka qabaan in xarigga wariye Cali Adaan Muumin uu horudhac u yahay tallaabooyin kale oo ka dhan ah warbaahinta xorta ah mana la aqbali karo in howlwadeennada warbaahinta xorta ahi ay ku shaqeeyaan cabsi iyo argagax ay kala kulmaan Dowladda Federaalka” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka
AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA
