Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo 9-kii bishan Disembar 2018 uu qabtay Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Warbaahinta dowladda oo aan soo hadal qaadin jiritaanka Mooshinka, lagana joojiyey inay baahiso wararka ku saabsan mooshinka Madaxweynaha ayaa laba maalmood kadib waxay shaacisay qoraal kasoo baxay xoghayaha Baarlamaanka oo lagu sheegay inuu jabay Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha. [Akhriso]

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa mar kasta ku adeegta rabitaanka madaxda markaasi talada dalka heysa, iyadoo dowladihii hore ay sidan oo kale sameyn jireen, taasoo meesha ka saarto in warbaahinta dowladda ay noqoto mid ku adeegta rabitaanka madaxda oo kaliya.