Friday, March 21, 2025

Wararkii ugu danbeeyay Xaalada Dhaawacyada la geeyay Dalka Turkiga [Sawirro]

Qaar ka mid ah Dhaawacyaddii  la geeyey dalka Turkiga ayaa Xaaladooda caafimaad kasoo reyneysaa, iyadoo lagu guuleystay qaliino lagu sameeyey qaar ka mida 35 dhaawac ah oo la geeyey dalka Turkiga.

 Dhawaacyada loo qaaday dalka Turkiga ayaa waxaa loo qeybiyey afar isbitaal oo ka mid ah isbitaaladda ugu wanaagsan ee dalka Turkiga, 22 qof waxaa la jiifiyay Polati Hospital, 3 qof oo carruur ah waxaa la dhigay Deshkapi Hospital, 8 qof Ankara Namune Hospital halka 2 qof la seexiyay Ataturk Hospital.
Xaalada 10 ka mid ah dhaawacyada loo qaaday Dalka Turkiga ayaa ku jira xaalad adag, qaarkood coma ayay ku jiraan, kuwaasi oo la ogoleyn in la booqdo, qaarna goobta baxnaanada AMA ee gargaarka gaarka ah ayaa la jiifiyay, kuwaasi lagu guuleystay qaliinadooda, isla markaana ah kuwa la wareysan karo.

 

Waxaa socdo dadaalo isdaba joog ah, qorsheyn iyo isbedelid bukaanada haddii loo arko in isbitaal kale lagu wareejiyo, si loo baxnaaniyo.

Ad

Wasaaradda caafimadka ee Turkiga ayadoo kaashanaysa safaaraddda Soomaaliya iyo guddiga ardayda waxaa qof waliba oo bukaan ah loo sameeyay qof u turjumo, maadaama ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Turkiga ay aqoon u leeyihiin luuqadda dalkaasi, taasi oo fududeyneysa in ehelada la socda dhaawacyada ay ku qancaan hanaanka loogu gurmanayo.

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda caafimaadka Turkiga oo ay ka wada hadleen xaaladda caafimad dhaawacyada Isbitaalada jiifa iyo in la filans karo mustaqbalka dhaw qeyb kale hadii ay dowladda Turkiga naga caawin karto.

SAWIRRO

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON