Wararkii ugu danbeeyay Weerarro culus oo Mareykanka, France iyo Ingiriiska ku qaadeen Suuriya [Qaraxyo waaweyn oo..]

0

Wadammada Mareykanka, Fransiiska iyo Britain ayaa weerarro duqeymo Aroortii saaka ku qaaday magaalooyin ka tirsan dalka Suuriya, iyadoo ugaa jawaabay  weerar la sheegay in loo adeegsaday sunta kiimikada.

Qaraxyo aad u waaweyn ayaa laga maqlay caasimadda Dimishiq, iyo magaalada Xims ee dalka Suuriya, waxaana sidoo kale la arkay uuro ka baxeysa halka uu weeraradu ka dhaceen magaalada Dimishiq.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay weerarka, waxaana Trump uu intaa raaciyay in Mareykanka iyo xulafadiisa ay horay ugu diyaar garoobeen ficil ka dhan ah dowladda Suuriya, si loo joojiyo hubka kiimikada ee la sheegay inay adeegsatay.

Trump waxaa kale oo uu edeeyay dowladda Ruushka oo uu sheegay inay ku guuldareysatay inay ka soo baxdo ballankii ay qaaday sannadkii 2013-ka, kaasi oo ahaa inay burburiso hubka kiimikada ee Suuriya.

Raysal wasaaraha Britain, Theresa May oo iyaduna ka hadashay weerarka ayaa sheegtay in weerarada ay ka fuliyeen gudaha dalka Suuriya ay ahayeen kuwa qorsheysnaa oo loogu talo galay in aysan sii hurinin xiisadda gobolka, waxaana ay intaa ku dartay inay iska ilaaliyeen waxwalbo waxyeleyn kara dadka rayidka.

Sidoo kale weerarka waxaa ka hadlay madaxweynaha Fransiiska, Emmanuel Macron oo sheegay in weerarda ay ahaayeen kuwa looga hortagayo in dowladda madaxweyne Bashar Al-Asad aysan adeegsanin hubka kiimikada.

Goobaha la weeraray waxaa ka mida xarumo ay leeyihiin ciidamada Suuriya, kuwa xisbullaah iyo ciidamada Iiraan ee jooga Suuriya, waxaana hadda soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan tallabada ay qaadeen saddexda dal ee isbaheystay.