Wararka laga helayo magaaalada Baydhaba oo shirku uga socdo Guddiga Farsamada Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ayaa sheegaya inuu maalintii labaad socdo shirka xal u raadinta Doorashada 2021.
Shirkan oo xalay waqti dheer qaatay ayaa looga dooday sida loo soo bandhigi lahaa habab kala duwan oo xa loogu heli karo qodobadda la isku haysto oo ay ugu weyn tahay arrinta Gobolka Gedo, iyadoo kadib loo gudbin doono madaxda Dowladda Federaalka iyo mamaul Goboleedyada.
Wasiirka Dastuurka Xukuumadda xilka sii heysa Saalax Jaamac ayaa sheegay in horumar laga gaaray maalintii koowaad ee shirka oo xilli danbe la isla gaaray. “Shirkii Guddiga Farsamada ee Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir wuxuu maalintii koowaad noogu idlaaday jawi wanaagsan, hawlihii lanoo igmadayna waxaanu ka gaadhnay horumar la taaban karo” ayuu yiri wasiirka oo aan faahfaahin dheeraad ah bixin.
Wuxuu sheegay inay rajo ka qabaan in shirka lagu gaaro is-afgarad wanaagsan, laguna dhamaystiro qodobadii harsanaa, iyadoo magaalo Baydhaba ay noqon doono goob heshiis lagu gaaro.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha xilka ka dhammaaday uu ku dhaqaaqay tanaasul qabyo ah isagoo abaabulay maamulka Gobolka Gedo, isla markaana iskooda u diyaariyey qaabkii loo magacaabi lahaa guddoomiye cusub oo Garbahaarey yeelato.