Tuesday, April 30, 2024

Wararkii ugu danbeeyay Qaraxyo waaweyn oo ka dhacay agagaarka Garoonka iyo Xerada Xalane ee Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qaraxyo is xigtay oo maanta Duhurnimadii lala beegsaday bar ciidan iyo hotel ku dhow garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyada oo midkood aad u xoog badnaa ayaa lala beegsaday bar ciidan oo laga ilaaliyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo ahayd bartii uu isku qarxiyay kal hore xildhibaan Saalax Badbaado.

Qaraxa labaad ayaa ka dhacay bannaanka Hotelka Peace ee u dhow Garoonka diyaaradaha oo ah hotelkii lagu qabtay shir madaxeedkii IGAD ee Muqdisho, wuxuuna qaraxa labaad ahaan mid burbur badan u geystay agagaarka uu ka dhacay iyo gudaha xerada Xalane.

Ad

Qaraxyada ayaa la xaqiiyay in loo adeegsaday laba baabuur oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, si la mida qaraxyadii hore iyadoo gaarigii hore uu barta ku qarxay kadibna gaariga labaad uu soo jiiray kuna dhowaaday albaabka Medina Gate iyo Hotelka Peace.

AMISOM oo war kooban soo saartay ayaa sheegay in laba qaraxa ay ka dhaceen agagaarka garoonka Muqdisho, iyadoo ay baaritaanno socdaan. Dad ku sugan gudaha xerada Xalane ayaa laga soo xigtay in xafiisyadoodii ay waxyeelo soo gaartay, ayna qaraxyada kadib galeen dhufeysyo hoose.

Qaraxyada ayaa saameyn weyn ku yeeshay Garoonka Diyaaradaha, xaafadaha ku xeeran garoonka, Xerada Xalane iyo degmada Madiina oo ay gaareen firirka qaraxyada.

- Advertisement -

Dadka labada qarax ku waxyeeloobay ayaa wararku sheegayaan inay ka badan yihiin 4 qof, isla markaana ay jiraan dhaawacyo aad u faro badan. Burburka qaraxu geysta ayaa laga cabsi qabaa in dad ay ku hoos jiraan.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay inay ka dambeysay qaraxyadii mataanaha ahaa ee maanta lala beegsaday Garoonka Muqdisho.

Qoraal kooban ay soo saartay NISA ayaa lagu sheegay inay fashiliyeen laba gaari oo miineysan kuwaasoo loola dan lahaa in lala beegsaday Garoonka Muqdisho iyo xerada Xalane, waxayna sheegeen in labada gaari ay ku qarxeen baraha koontaroolka ciidamada.

DAAWO SAWIRRO: Burburka Qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho

- Advertisement -

DAAWO: Safaaradda Turkiga oo faafisay Video ay ka duubtay Qaraxyadii Maanta

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON