Friday, December 1, 2023

Wararkii ugu danbeeyay Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Istanbul

Qarax is-miidaamin ah ayaa ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyadoo faahfaahin dheeraad ah ay kasoo baxeyso.

Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Cali Yerlikaya ayaa sheegay in qof argagixiso ahaa uu isku qarxiyay mid kalena la dilay weerar argagixiso oo lala beegsaday xarunta dhexe ee Booliska Turkiga oo ku taalla caasimadda Ankara.

Wasiirka ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in labo ka mid ah argagixisada ay kusoo dhawaadeen albaabka dhismaha, iyagoo wata Gaari nooca, kadibna uu midkood is qarxiyay.

Ad

Qaraxa kadib ayaa is-rasaasayn dhex martay Booliska iyo Nin dabley, waxaana ku dhaawacmay laba askari oo Boolis ah.

Booliska ayaa xiray dhammaay wadooyinka xarunta Booliska iyo Goobaha ku dhow oo uu ku jiro Guriga Baarlamaanka, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in baaritaan lagu hayo waxyaabo qarxa oo la tuhunsan yahay in la dhigay agagaarka goobta qaraxu ka dhacay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON