Wednesday, February 19, 2025

Wararkii ugu danbeeyay Laba qof oo Saaka lagu dilay Xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Iyadoo ay sii kordhayaan falal dilalka qorsheysan ah ee ka dhacaya Caasimadda Muqdisho ayaa saaka la soo weriyey in laba qof lagu dilay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Dabley ku hubeysan Bistloolado aya saakay Aroortii kadib Salaadii subax ku dilay Waaxda Time-Cade ee degmada Wadajir qof la sheegay inuu shacab ahaa oo dadka degaanka ay sheegeen inuu ka ganacsan jiray Hilibka, waxaana isla saaka sidoo kale degmadasi lagu dilay qof lagu sheegay inuu ahaa macalin quraan.

Ninka Hiliblaha oo caan ka ahaa degaankaasi ayaa lagu magacaabi jiray Muxudiin Cosoble, iyadoo aan la ogeyn sababta dilka iyo cidda ka danbeysay, waxaana dilalka Muqdisho ka dhaca ay isu bedeleen in qof kasta la beegsado.

Ad

Macalinka Dugsiga ayaa la sheegay in gurigiisa lagu dilay markii ay dableyda weerarreen xilli uu salaadii subax kasoo laabtay, waxaana rasaas badan laga maqlay xaafaddaasi oo saaka ay dilalku ka dhaceen.

Ciidamada Amniga Muqdisho ee dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay ugu talogashay amniga bisha Ramadaan ayaan ku guuleysan inay hor istaagaan dilalka noocan oo kale ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON