Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan fal dil ah ka geysatay degaanka Ex-control Balcad, degmada Heliwaa ee magaalada Muqidshoi.
Qofka la dilay ayay dadka degaanka sheegeen inuu ahaa Wiil dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Cumar Geelle, iyadoo rasaas dhowr ah ay ka haleeshay qeybta sare ee jirkiisa, waxaaana goobta ka baxsaday dableydii falka geysatay.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ninka la dilay uu ka ahaa dadka degmada Heliwaa u qaabilsan abaabulka iyo ciyaaraha. Waxaa goobta tegay ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka oo goobta ka qaaday Meydka qofka la dilay.