Xaaladda magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa kacsan, iyadoo laga cabsi qabo dagaal, kadib markii lagu fashilmay dadaal ay wadeen odayaasha degaanka.
Odayaashii ugu danbeeyay ee maanta la kulmay Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay inuu si cad ugu sheegay go’aankiisa ah inuusan ka baxeynn magaalada Guriceel, wax geedi ahna aanu ku jirin.
Odayaasha oo maalmihii danbe ku eedeynayey Ahlu Suna inay dhufeyso ka qodatay gudaha magaalada Guriceel ayaa ugu baaqay maamulka Galmudug iyo dowladda federaalka inay heshiis ka waayeen Ahlu Suna oo waajibaadkooda gutaan.
Maamulka Galmudug ayaa kiciyey odayaasha jufooyinka dega magaalada Guriceel, iyagoo ugu baaqay inay Ahlu Suna maleeshiyadeeda kala baxdo magaalada, si aan loogu dul dagaalamin, baaqaas oo Ahlu Suna iyo hoggaamiyahooda uu diiday.
Dagaalka loogu jiro odayaasha Beesha degaanka ayaa gaaray in la isu adeegsado oo ay kala taageeraan maamulka Galmudug iyo Ahlu Suna, iyadoo odayaasha qeyb kasta dhinaca kale ku eedeyneyso inay wado abaabul dagaal.
Dhinaca kale waxaa ciidamada Ahlu suna ka dhex socdo kala furfur lagu doonayo in xaalad looga dhex abuuro, waxaana maanta dhacday inuu Darawal la fakaday Booyad ay Ahlu suna hore uga qabsaday ciidamada Galmudug, taasoo dib loogu celiyey Dhuusamareeb.
Warar kale ayaa sheegaya in qaarb ka mida ciidamadii Ahlu suna ay ka goosteen kooxda, kadib sarkaal xiriir la yeeshay maamulka Galmudug, waxaana la sugayaa tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan labada dhinac.
