Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in xaaladda magaaladaasi ay degan tahay kadib shaqaaqo xalay ka dhacday.
Taliyaha ciidamada Booliska Dhuusamareeb Cabdullaahi Xasan Macalin ayaa sheegay in xal laga gaaray rasaas xalay ka dhacday magaalada oo uu sheegay inay ahayd in yar oo hawada loo riday, arrintaasina ay ahayd wax aad u yar oo xal laga gaaray sida uu yiri.
Wuxuu beeniyey taliyaha ciidamada Booliska in ciidamo ka tirsan Ahlu suna ay la wareegeen xarumaha degmada ee magaalada Dhuusamareeb, wuxuua sheegay in amniga nagaalada uu sugan yahay oo aysan jiirn wax dhibaato ah, ayna gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Wararka yaa sheegaya in ciidamada booliska ee dowladda Soomaaliya ay xalay xireen askarigii rasaasta ku riday xarunta Inji ee degan yahay madaxa xukuumadda maamulka Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo loolan kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya.