Tuesday, March 25, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee Shirka Amniga Qaran & Ra’iisal Wasaare Kheyre oo la wareegay Guddoomintiisa

Waxaa maalinkii labaad galay shirka amniga qaranka Soomaaliya oo miiska hareerihiisa ay isa soo hor fadhiyaan madaxda ugu sareysa dowladda federaalka iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada.

Shirkan oo indhaha lagu wada hayo ayaa inkasta oo uu shalay furay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa maanta shir guddoominayay Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre oo madaxweynaha kala wareegay guddoominta shirka Amniga.

Inkasta oo uu yahay shir amniga ku saabsan, haddane waxa ay u egtahay in arrimaha waaweyn ee muhiimka ah ee Soomaaliya ay wajahayso looga hadlayo shirka. Waxyaabaha maanta laga hadlay waxaa ka mid ah dib u eegista dastuurka qabyada ah.

Ad

Xilliga uu shirka dhacayo ayaa waxa ay kusoo aadaysaa iyada oo muddo billooyin ah uusan dalka lahayn taliyaha nabad suggida qaranka iyo taliyaha booliiska, kadib markii bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay xilkii laga qaaday.

Waxyaabaha shirka amniga looga hadlo waxaa ka mid ah arrimaha isku dhafka ciidammada, iyada oo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr Micheal Keating uu shirka golaha ammaanka ka sheegay in dowlad goboleedka Puntland ay ciidammada xoogga dalka ay ku biirisay kumanaan askar ah, islamarkaasna hawsha isku dhafka ay si wanaagsan u socoto.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON