Saturday, April 26, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee Magaalada Gaalkacyo & War ku soo kordhay Kiiska dilka Caa’isha Ilyaas

Waxaa Magaalada Gaalkacyo ka socda howlgal xoog leh oo lagu baadi goobayo dadkii ka danbeeyay dilka iyo tacadigii loo geystay Caaisha Ilyaas Adan oo ahayd gabar 12 sano jir ah, taasoo meydkeeda shalay la soo dhigay meel aan ka fogayn gurigooda.

Dadweyne fara badan ayaa maanta ka qeyb galay aaska Caaisha oo murugo weyn ka abuurtay magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana baaritaanka ka qeyb qaadanaya dhalinyarrada magaalada oo is-xilqaamay si ay gacan u siiyaan Booliska oo kiiskan ku howlan.

Waxaa guud ahaan maanta la fasaxay xarumaha waxbarashada waqooyiga magaalada Gaalkacyo, iyadoo ardayda magaalada ay ka qeyb qaateen aaska iyo isu soo baxyo ka dhacay magaalada oo lagu dalbanayo in cadaalad ay hgesho Caa’isha.

Warka ku soo kordhay kiiska ayaa ha in Maxkamadda Gaalkacyo ay iyaduna soo saartay amar lagu soo qabanayo milkiilaha iyo Gaari la sheegay inuu siday meydkii Caa’isha, kaasoo loo adeegsaday in meydkeeda la keeno duleedka Gurigeeda.

Ad

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdulqaadir Xuseen Nuur (Dirir) ayaa laga soo xigta in goob fagaare ah lagu ciqaabi doono cid kasta oo ay ku caddaato dembiga naxdinta leh ee lagula kacay Caaisha.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON