Wararkii laga helayo Degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabellaha dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ay si aad ah ugu dhowaadeen degmada Aadan Yabaal iyagoo fariisimo, soona dul degay halka lagu magacaabo Makaa’iil oo ka tirsan Shabellaha dhexe ahna xuduudka labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.
Koox ka mida Alshabaab ayaa mar kale jidka u galay ciidamada ku soo jeeda, waxaana halkaasi ka dhacay rasaas xoog leh, iyadoo wararka qaarkood sheegayaan in gaadiid dagaal laga gubay ciidamada Itoobiya. Ciidamada ayaa ka baqaya miinooyin loogu aasay jidka.
Maleeshiyo degaanka ah ayaa la sheegay inay wehliso ciidamada Itoobiya, waxaana la filayaa inay galaan degmada Aadan Yabaal waqti kasta. Ciidamada kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay  saakay ku biireen gulufka Itoobiyaanka, iyagoo ka tegay degaanka Mabaax.
Alshabaab oo banneysay magaalada ayaa koox koox u socota waxayna hadba jidgooyo kala hortegeysaa ciidamada ku sinqaya Aadan Yabaal.
Goobjooge.com