Tuesday, February 18, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee dagaal Alshabab iyo dadka degaanka ku dhex maraya Koonfurta

Dagaallo qaraar ayaa ka socda Koonfurta Gobolka Mudug kadib markii uu dib uu sii xoogeystay dagaalkii u dhaxeeyay Alshabaab iyo dadka degaanka.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Degaanka Dumaaye ee duleedka Xarardheere ay isku fara saareen ciidamada dadka xoola dhaqatada ah ee degaanka iyo kooxda Alshabaab, dagaalka oo socda dhowr saacadood ayaa hakaday barqadii.

Qasaaraha dagaalkan ayaa la soo weriyay inuu aad u badan yahay, iyadoo dadka degaanka ay qeylo dhaan u soo direen maamulka Galmudug si loogu gurmado, waxayna wararku sheegayaan in dhaawacyadooda la go’doomiyay.

Ad

Shirar ka socda magaalada Cadaado ayaa la sheegay in looga hadlay sidii gurmad loogu dirayo degaanada dagaaladu ka socdaan. mana jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Galmudug.

Dadka degaanka gobolka Mudug ayaa dagaallo qaraar la galay kooxa Alshabaab kadib markii ay xoolo sako ah ka dalbadeen xoolaleydaasi, mararka qaarkoodna ay xoog uga wateen xoolo kala duwan.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON