Thursday, April 24, 2025

Wararkii ugu danbeeyay Diyaaradii ku dhacday duleedka Afgooye & Mareykanka oo ku lug yeeshay

Dowladda Mareykanka ayaa beenisay in Diyaradii xamuulka ee shalay ku dhacday duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ay la socdaan saraakiil Mareykan ah, laakiin waxaa la caddeeyay in diyaaradd ay u rarneyd Mareykanka oo au sahay iyo qalab u siday saldhiga ciidamada ee Balidoogle iyo Baydhaba.

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa shaacisay in diyaaradda dhacday aanu la socon qof Mareykan ah, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan ilaa 12 ruux oo diyaaradda la socday dalalka ay kasoo jeedaan iyo halka ay ku danbeeyeen.

Mareykanka oo taageera milateriga Soomaaliya ayaa la sheegay inay u kirisneyd diyaaradda oo laga leeyahay dalka Kenya, isla markaana siday sahay kala duwan.

Ad

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa shalay isku dayay inay tagaan goobta diyaaradu ku dhacday, balse waxay sheegeen inay gaari waayeen halkaasi roobab xoogan oo ka da’ayay dartood.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON