Thursday, April 24, 2025

Wararkii ugu danbeeyay Diyaaradda Ruushka ee ku dhacday Badda Madow & Qasaaraha

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Diyaaradii ay lahayd  dowladda Ruushka la waayay kadib markii ay ka kacday garoon ku yaala magaala xeebta ku taalla ee Sochi.

Diyaaradaan ayaa wararku sheegayaan in nooceedu ahaa TU-154 ayna siday dad gaaraya 90 qof oo isugu jira koox faneed, ciidamo iyo weriyeyaal. Waxaa laga cabsi qabaa in dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda ay dhinteen.

Diyaaradda ayaa hadda la xaqiijiyay inay ku dhacday Badda Madow, sida laga soo xigtay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka iyadoo ku socotay  magaalada Ladiqiya ee dalka Suuriya.

Ad

Kooxda Caanka ah ee fanka laguna magacaabo  Alexandrov choir iyo weriyeyaasha  ayaa lagu waday inay xuska ciida masiixiga ee Christmas-ka la qaadaan ciidamada Ruushka ee jooga dalka Suuriya.

Kooxda badbaadada Ruushka ayaa burburka diyaaradda ka helay Badda Madow (Black Sea). Afhayeenka wasaaradda difaacada Ruushka Igor Konashenkov ayaa xaqiijiyay in diyaaradda ay saarnaayeen koox riwaayad sanadka cusub u dhigi lahayd ciidamada Ruushka ee Suuriya jooga.

 Wakaalado

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON