Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaarad xamuul ay ku dhacday Garoonka Diyaaradaha magaalada Garbahaarey.
Diyaaradan ayaa ahayd xamuul, waxayna u rarneyd Hay’adda cuntada Adduunka ee Qaramada Midoobay ee WFP, waxaana la sheegay inay cilad qabsatay.
Diyaaradda ku burburtay Garoonka Garbahaarey ayaa siday raashin mucaawino ah oo ah kuwa nafaqeysan oo loogu talo galay dadka abaartu saameysay ee degmada Baardheere.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda uu dab qabsaday ayna gubatay qeyb kamida sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Gedo. diyaaradda ayaa ku dul martay Guri ay deganaayeen, mana jirto wax qasaare nafeed ah oo ay geysatay, iyadoo laga badbaadiyay Duuliyihii iyo Injineer la socday.
Wararka qaar ayaa sheegaya in mid ka mida duuliyeyaasha uu dhaawac soo gaaray, waxayna diyaaradda ka jabtay garab.
Goobjooge