Tuesday, October 3, 2023

Wararkii ugu danbeeyay degaanada Gobolka Mudug ee laga xoreeyay Alshabaab

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug oo ay taageerayaan maleeshiyada degaanka ayaa maanta dib u qabsaday degaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Kadib dagaallo culus oo shalay iyo maanta ka dhacay Galmudug ciidamada dawladda iyo kuwa degaanku ayaa Alshabaab kala wareegay degaannad Bacaadweyne, Qaycad iyo Shabeelow.

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Federaalka Daa’uud Aweys ayaa sheegay in Alshabaab laga xoreeyay degaano badan oo ka mida Mudug, laguna jebiyay maleeshiyadii Alshabaab iyo duqeyntii Qodqod oo shalay lagu dilay ilaa 30 Shabaab ah.

Ad

Taliyaha ciidamada daraawiishta Galmudug Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa sheegay in dagaallo culus ay saaka dhaceen, kuwaaso al-Shabaab looga saaray degaannadaas ay muddo ka talinayeen.

Ciidamo dowladda iyo kuwa degaanka ayaa hadda jeedaan degaanka Camaara oo xalay ay gaareen maleeshiyaadkii Alshabaab ee kasoo firxaday dagaalkii degaanka Qodqod shalay ka dhacay oo lagu duqeeyay Alshabaab, qasaare badannna kasoo gaaray.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,982FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!