Friday, May 23, 2025

Wararkii ugu danbeeyay Dagaallo ka socda Hiiraan iyo Degaan laga qabsaday Alshabaab

Waxaa Gobolka Hiiraan ka socda dagaallo culus oo dhex maraya ciidamada dowladda oo kaashanaya maleeshiyada degaanka iyo Alshabaab.

Dagaalladii ugu danbeeyay ee maleeshiyada Alshabaab iyo dadka degaanka ayaa mar kale maanta dib uga qarxay degaanada hoos taga degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan.

Goobaha lagu dagaalamay shalay galinkii dambe ilaa manata waxaa ka mida degaanka Ceeleey oo 19 KM bari ka xigta Maxaas waxaana dagaalka ku dhintay ku dhawaad 13 qof oo laba dhinac ah, qaar ka mida dhaawaca macawisleyda ayaa diyaarad loogu qaaday Muqdisho.

Ad

Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Taliska Ciidamada Militriga iyo kan booliska gobalka Hiiraan ayaa ku sugan inta u dhaxeya degmooyinka Baledweyne, Maxaas iyo Buloburte. Alshabaab ayaa weerraro ka wada degaankaasi.

Dhinaca kale Ciidamada dowlada ayaa maanta la wareegay Tuulada Dabayoodle ee degmada Buloburte, halkaas oo Alshabab ay ku lahayaeen Bar-kantarool oo canshuuraha uga qaadeen gaadiidka iyo dadka.

Dagaallada ka socda Goblka Hiiraan ayaa sii xoogeystay, kadib markii maleeshiyaadka Alshabaab in ka badan 20 qof ku dileen degaanka Afar irdood ee duleedka Beledweyne, iyagoo gubay 9 Gaari oo siday badeecado kala duwan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON